2/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qeyb galay shir aan caadi aheyn oo looga hadlaayay xal u helista Colaada Congo
 

Sabti, February 8, 2025 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay shir madaxeedka Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaasoo looga hadlayey xal u helidda colaaddahaa ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad weyn u leeyahay xasilloonida gobolka, wuxuuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go'an tahay xoojinta doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda Africa.

Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynaha Soomaaliya in xasaradaha ka jira dalka Congo lagu soo afjari karo is afgarad iyo nabad, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac iney fursad yiihiin wadahalada socda.

“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaalada nabadeed ee ay hogaaminayaan Daladaha loo soo gaabiyo EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay iney gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyadoo ka faa’iideysaneyo waayo aragnimadeeda dib u heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.

Ugu dambeyntii Kulamadaan ayaa imaanaya, iyadoo todobaadki lasoo dhaafay kooxda hubeysan ee M23 ay la wareegtay magaalada istiraatijiga ah ee Goma, halkaas oo uu Sarkaal ka tiran Qaramada Midoobay Arbacadii uu sheegay in lagu dilay colaadahii ugu dambeeyay ee ka dhacay Goma dad gaaraya 3,000 oo ruux.