2/11/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 7 , 2025
Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya oo shaaca ka qaaday qorshaha kaga degsan Macawislesyda la dagaalamaya Al shabaab
 

Jimco, February 7, 2025 (HOL) - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga ee Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay qarameyn doonto ciidanka Macawisleyda ee qeybta ka ah Howlgallada ka dhanka ah Kooxda Al shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada dalka.

Wareysi uu siiyay TV ga Qaranka Soomaaliya ayuu wasiiru Dowlaha waxa uu ku cadeeyay in Macawisleyda ay u kala qaadayaan ilaa 2 qeybood, qeyb uu sheegay in wali ay ku dhex nool yihiin dhinaca Al shabaab halka kuwa kalana ay qeyb ka yihiin dagaalka lagula jiro Al shabaab.

"Tiro badan ayaa haddaba inoo diiwaan gashan oo mushaar ay siisaa Dowladda, kuwa ayaan u dirnay tababar oo qeyb ka noqonaya ciidanka Qaranka Soomaaliya' ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cumar Cali Cabdi."

Wasiiru Dowlaha waxa uu xusay in talisyada Booliska iyo Nabad Sugida Soomaaliya ay bilaabeen inay qaataan Ciidanka Macawisleyda taasna ay qeyb ka tahay tallaabooyinka Dowladda ee lagu askareenayo Ciidankaan Macawisleyda.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh markii ay bilowday howlgalkii weynaa ee ka dhanka ahaa Al shabaab 2022kii, waxa ay si weyn u abaabushay dadka degaanka iyadoona ciidankaan Macawiisleyda ay door weyn ka qaateen meelo badan oo Al shabaab laga xoreeyay.