
Khamiis, December 25, 2025 (HOL) - Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu weyn ee halis gelinaysa nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Kenya.
Khubaradu waxay carrabka ku adkeeyeen in inkastoo ay jiraan dadaallo ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah ee lagula dagaallamayo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida, haddana Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay ka fuliso weerarro adag oo qorsheysan gudaha Soomaaliya.
Waxay sheegeen in halista Al-Shabaab aysan ku koobnayn oo keliya weerarro toos ah, sida isku dayada dilka madaxda sare ee dowladda, balse ay sidoo kale ku fidayso shabakado baahsan oo la xiriira lacago baad ah, askaraynta khasabka ah, iyo dacaayad si hufan loo abaabulay oo ay kooxda ku faafiso fikradeeda.
Iyadoo la tixgelinayo caqabadahaas amni, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la kordhiyo muddada howlgalka Ciidanka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ilaa 31-ka December 2026, Ciidankan ayaa ka kooban in ka badan 11,000 oo askari, oo ay ku jiraan 680 boolis ah.
Dhanka kale, khubaradu waxay ka digeen in Al-Shabaab ay khatar weyn ku tahay dalka Kenya, iyagoo tilmaamay in kooxda ay fuliso weerarro isugu jira qaraxyo loo adeegsado walxaha qarxa ee fudud iyo falal afduub ah.
Celcelis ahaan, Al-Shabaab ayaa Kenya ka fulisa ku dhowaad lix weerar bishii, kuwaas oo inta badan ka dhaca gobollada Mandheera iyo Lamu.
Ugu dambayn, warbixintu waxay xustay in yoolka ugu weyn ee Al-Shabaab uu yahay in ay afgembiso dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay dalka ka saarto ciidamada shisheeye ee taageeraya dowladda.