
Arbaco, December 24, 2025 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay ku bixisay lacag dhan ku dhowaad $1.6 bilyan taageeridda dalalka ciidamadooda ku biiriya hawlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin AMISOM iyo hawlgalladii ka dambeeyay.
Sidoo kale, Maraykanku wuxuu sheegay inuu bixiyay ku dhowaad $2 bilyan oo ah kaalmada lagu leeyahay ee lagu taageeray UNSOS iyo hay’adihii ka horreeyay, kuwaas oo ka shaqeeya sahayda iyo taageerada hawlgallada amniga Soomaaliya.
Warbixinta Maraykanka ayaa intaas ku dartay in sidoo kale la bixiyay taageero laba-geesood ah oo ballaaran, oo ay ka mid yihiin boqolaal milyan oo doollar oo lagu taageeray Ciidamada Amniga Soomaaliya, iyo bilyano doollar oo gargaar bani’aadannimo iyo mashaariic horumarineed ah.
Si kastaba ha ahaatee, Maraykanka ayaa qirtay in, inkastoo naf-hurnimada ay sameeyeen ciidammada iyo booliska, iyo taageerada muddada dheer ee ay bixiyeen Maraykanka iyo saaxiibadiis, haddana horumar waara oo lagaga adkaanayo argagixisada gobolka uusan weli muuqan, isla markaana wareejinta mas’uuliyadda amniga ee Soomaaliya aanay si buuxda u hirgelin.
Maraykanka ayaa adkeeyay in dadaallada socda ay tahay in ay hubiyaan in la dagaallanka Al-Shabaab, ISIS iyo khataraha kale ee argagixisada ay si weyn ugu wareegaan cidda ugu daneynta badan, taas oo ah Soomaaliya lafteeda.
Sidoo kale, Washington waxay ku boorrisay UNSOS iyo AUSSOM inay sii xoojiyaan dadaallada lagu hagaajinayo isticmaalka kheyraadka, iyo samaynta khariidad cad oo lagu gaarayo yoolalka waajibaadka, taas oo ugu dambeyn horseedi karta soo afjaridda hawlgalka.
Maraykanka ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, iyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed inay mideeyaan dadaalladooda si wax looga qabto caqabadaha amniga iyo maamulka dalka.
Bilooyinka soo socda, Maraykanku wuxuu sheegay inuu rajeynayo qiimeyn dhab ah oo cad oo tilmaamaysa tallaabooyinka xiga ee ku wajahan hoos u dhigid mas’uuliyad leh oo AUSSOM ah, isla markaana dardargelinaysa awoodda Soomaaliya ee ay ku qaadan karto mas’uuliyadda amnigeeda.
Warkan ayaa kusoo beegmay, kaddib markii la kordhiyay waajibaadka howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM.