
Arbaco, December 17, 2025 (HOL) - Ciidamada dowlada Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta gacanta ku dhigay qaraxyo culus oo kooxda Al-shabaab damacsaneyd iney gudaha u soo galiso magaalada Muqdisho.
Taliyaha guutada 14-ka October Gaashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa warbaahinta u sheegay in xog ay heleen ciidamadu ay suurtagalisay in deegaanka Lambar 50 ku qabtaan qaraxyo halis badan oo loo waday magaalada Muqdisho.
"Ilaahey ayaa ku mahadsan oo nagu guuleeyay inaan ka hortagno dhagartii ay Khawaarijta ku dhibaateyn laheyd Shacabka, qaraxyadan oo ah 10 miino oo nooca halista badan ayay ku guuleystay ciidanku iney qabtaan, kuwaas oo Khawaarijtu rabtay iney ku dhibaateeyaan shacabka ku nool Muqdisho" ayuu yiri Taliyaha Guutada 14-ka October Gaashaanle dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye.
Taliye Munye ayaa si weyn ugu mahadceliyey dadka shacabka ah ee ku nool deegaanka Lambar 50 oo uu sheegay iney lasoo wadaageen xogta qaraxyadan kooxdu dooneysay iney gudaha u galiso magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxyadan maanta ciidanku ku qabteen deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda si weyn u adkeeyeen amniga guud ee magaalada Muqdisho oo la filayo in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.