6/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2024
Madaxweyne Deni oo mar kale ku guulaystay xilka madaxweynaha Puntland

Isniin, January, 8, 2024 (HOL) - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu guulaystay doorashada madaxweynaha Puntland ee 2024-2019, kadib markii uu ku guulaystay wareegii ugu dambeeyay ee codbixinta doorashada madaxweynaha oo ay ku wada tartamayeen musharax Guuleed Saalax  Barre.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa helay 45 cod wareegii ugu dambeeyay ee doorashada, waana codadkii ugu badnaa ee uu musharax madaxweyne ku guulaysto.

Siciid Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer kusoo laabta talada madaxtinimada Puntland, wuxuuna ka guulaystay musharaxiin badan oo aad ugasoo horjeeday inuu mar labaad dib loo doorto.

Hadal kooban oo madaxweyne Deni uu jeediyay ayuu ku sheegay inay Puntland u furantay bog cusub, wuxuuna ku baaqay in la iscafiyo oo la iska hilmaamo wax walba oo horey u jiray.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa Madaxweyne Deni u dhaarisay xilka madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota.