9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 9 , 2024
Nin hubeysnaa oo sadax Israa'iiliyiin ah ku dilay xadka Urdun iyo Daanta Galbeed
 

Isniin, September, 9, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu ka geystay xaduuda u dhaxeysa Urdun iyo Daanta Galbeed ee la heysto nin u dhashay dalka Urdun oo watay gaari xamuul ah.

Ninkaan weerarka fuliyay oo ah Darawal ayaa magaciisa lagu sheegay Maher Jazi, kaasoo weerarka ka fuliyay meel u dhaw buundada Allenby ee ka soo gudubta dhanka Urdun isagoo watay gaariga xamuul ah.

Saraakiil ka tirsan Militariga dalka Israa'iil ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ninkaan uu rasaas ku furay ciidamada difaaca Israa’iil ee (IDF) ee ku sugnaa marinka laga soo galo Daanta Galbeed dhanka xaduuda Urdun.

Dowladda Urdun ay dhankeeda sheegtay iney baarayso weerarkan ka dhacay dhulka ay maamusho Israa’iil, halkaas oo baabuurta dalka Urdun ay ka gudbiyaan badeecadaha gala Daanta Galbeed.

Sadaxda ruux ee ku geeriyootay weerarka uu fuliyay ninka Darwalka ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Yohanan Shchori aha 61 sano jir, Yuri Birnbaum oo isna da'diisa lagu sheegay 65 sano jir iyo Adrian Marcelo Podzamczer oo aan da’diisa la sheegin.