9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 8 , 2024
Khasaare xooggan oo ka dhashay dab qabsaday kaalin shidaal oo kutaala magaalada Garowe
 

Axad, September, 8, 2024 (HOL) - Khasaare ba'an ayaa ka dhashay dab xalay qabsaday kaalin shidaal oo ku taalla magaalada Garowe, caasimadda maamulka Puntland. Muuqaallo maanta laga soo duubay goobta ayaa muujinaya gaadiid iyo dhismayaal badan oo ku basbeelay dabka.

Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii gaari ku jiray geerish ku yaalla meel u dhow kaalinta shidaalka uu dab ka kacay. Dabka ayaa ku fiday kaalinta shidaalka iyo dhismayaal kale oo ku dhowaa goobta ay dabku ka bilowday.

Gaadiidkii ku jiray geerishka ayaa si buuxda u gubtay, iyadoo geerishku uu ahaa meel baabuurta lagu xareeyo. Gaariga uu dabka ka kacay ayaa ahaa booyad shidaal siday oo dhextaalay geerishka.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhow goobta, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dabkaan lama xaqiijin illaa iyo hadda. Hay'adaha amniga ee Puntland ayaa si firfircoon u wadda baaritaan ku aaddan sababta dabka dhalisay. Hal qof oo ahaa ilaalada geerishka ayuu soo gaaray dhaawac fudud.

Dabkaan ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan maamulka degmada Garowe uu mamnuucay kaalimaha shidaalka ee laga sameynayo meelaha saxmadda badan, taasoo ka mid ahayd tallaabooyin looga hortagayo khataraha noocan oo kale ah.