9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 6 , 2024
Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Jimco, September, 6, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 26-aad ee Cali Ibnu Abii Daalib ayaa maalintii labaad howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Goobaha ciidanka howlgalada ka wadaan ayaa waxaa ka mid Sabansableey, Ceel afwayne, iyo Ceel Cali goodle oo dhamaantood ah deegaano ka tirsan gobolkaas.

Howlgaladaan ayaa waxaa si wadajir ah u hoggaaminaaya abaandulaha guutada 26-aad  Gashaanle Ciise Buurshe iyo abaanduulaha Ururka 263-aad Labo Xidigle Cabdisalaan Abuukar oo la yaqaano Liiq Liiqato.

Saraakiishaan oo warbaahinta qaranka la hadashay ayaa sheegeen in howlgalkaan u jeedkiisu uu ahaa miino ka saarista wadooyinka ay isticmaalaan dadka shacabka ah si looga hortagto qataraha ka dhasha miinooyinka kooxdu ku aasto wadooyinka muhiimka ah.

Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa maalmahii lasoo dhaafay ka socday howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada dhaca xadka ay wadagaan Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud, waxaana xusid mudan in maalin ka hor duqeyn ka dhacday xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe in lagu dilay in ka badan 19 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.