9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2024
Taliyayaasha u sarreeya Ciidanka Itoobiya oo maanta soo gaaray magaalada Jigjiga


Khamiis, September, 5, 2024 (HOL) - Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya Berhanu Jula iyo Ku xigeenkiisa Janaraal Abebaw Taddese ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Taliyayaashan ayaa waxaa Garoonka Jigjiga kusoo dhaweeyay Madaxda u sareeysa Dowlad Degaanka Soomaalida oo uu kamid yahay Madaxweyne Mustafe Cagjar, Hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur iyo Masuuliyiin kale oo kamid ah xukuumadda Degaanka Soomaalida.

Sida lagu sheegay Warbaahinta Ciidamada Itoobiya Taliyayaashan ayaa imaanshiyahooda Jigjiga lagu sheegay inay tahay si ay uga qaybgalaan Xuska 47aad ee Aasaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo markii u horreysay Jigjiga lagu qabanayo.

Burhanu Julla Taliyaha Guud ee Ciidanka Itoobiya ayaa sidoo kale xadhigga ka jaraya Xarunta Tababarada Taliska Ciidanka Bariga Itoobiya oo laga furayo Xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada Jigjiga.

Imaanshiyaha Taliyayaasha u sareeya Ciidamada Itoobiya ee JIgjiga iyo waliba xuska Ciidamada Itoobiya ee Jigjiga lagu qabanayo ayaa kusoo aadaya xilli ay kacsan tahay Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo dhawaana ay Madaxda u sarreysa Dowlad Degaanka Soomaalida ay sheegeen inay marwalba garab taagan yihiin Ciidamada Itoobiya.

Xerada Tababarada Ciidamada ee Garabcase oo ku taal duleedka magaalada Jigjiga ayuu ka socdaa Xusku, iyadoo la sheegay in xuskani uu socon doono ilaa 7 bishan oo ku beegan Sabtida soo socota.