9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2024
Sheekh Shariif oo si adag u dhaliilay hanaanka dowladda Soomaaliya uga hortageyso damaca Itoobiya
 

Khamiis, September, 5, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u dhaliilay hanaanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay uga hortageyso damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale ka digay waxuu ugu yeeray abaabul qabyaaladeysan oo hareeyay maalamahii dambe baraha bulshada iyo Siyaasadda Soomaaliya, isagoona ugu baaqay madaxda dowladda iney wax ku eegaan indho qaran, kana fogaadaan wax walba oo kala dhantaalaya awoodda dadka iyo dalka.

"Waxaan ka xumahay in madaxda dowladdu ay ku mashquulsan tahay kala qaybinta cududda shacabka Soomaaliyeed halkii ay ka shaqayn lahaayeen isku duubnida dadka. Waxaa wax aad looga xumaado ah abaabulka iyo dhiirri-gelinta qabyaaladda huwan iyo hadalada aan habboonayn ee la isku marinaayo warbhaahinta, waxaana cad in ay meesha ka maqantahay doorkii xukuumadda oo gabtay howlihii kaga aadanaa jiheynta, mideynta iyo u abaabulka dadka soomaaliy- eed sidii ay dalkooda u difaacan lahaayeen" ayuu yiri madaxweyne hore Sheekh Shariif.

Madaxweynahii hore ee dalka ayaa xusay in wadada kaliya ee dalka lagu difaaci karo ay tahay isku duubni iyo wadajir si looga hortago fal kasta oo dhaawici kara qaranimada iyo madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Madaxweynahii hore oo dhameystiran:-