9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2024
Faahfaahino kasoo baxaya Hoobiyaal lagu garaacay qeybo ka mid magaalada Muqdisho
 

Khamiis, September, 5, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saakay lagu garaacay qeybo ka mid degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Hoobiyaasha oo gaarayay tiro ahaan ilaa afar hoobiye ayaa lasoo wariyay iney ku dhaceen  guryo ku yaala xaafada Ceel qalow ee degmada Wadajir.

Qof goobjooge ah oo hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hoobiyaasha mid ka md ah uu ku dhacay guri shacab ah, islamarkaana uu dhaawac kasoo gaarayay hal ruux.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmadaas ayaa gaaray xaafada Ceelqalow, gaar ahaan meelaha ay ku dhaceen afarta hoobiye,mana jirto wax faahfaahin ah oo ay bixiyeen laamaha amaanka degmadaas oo ku aadan khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha.

Dhawaqa madaafiicdaan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya, iyadoo amaanka guud ee magaalada Caasimadda ah uu ahaa maalmahii lasoo dhaafay mid degan.