9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 5 , 2024
Itoobiya oo ciidamo badan oo gaashaaman ku daabushay xadka Soomaaliya
 

Khamiis, September, 5, 2024 (HOL) - Itoobiya ayaa ciidamo badan oo gaashaaman ku daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri kaasoo 10,000 oo askari oo Masar ah lagu geynayo Soomaaliya.

Xiisadan ayaa timid kadib markii Itoobiya ay bilowday wajigii 5-aad ee buuxinta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee biyaha wabiga Niil.

Masar waxa ay aaminsan tahay in aanay biyo ku filan ka heli doonin webiga Niil ka dib marka la dhammeeyo biyo xidheenka, taas oo horseedaysa xaalad masiibo ah oo ay wajahayaan 114 milyan oo qof oo ku nool dalkeeda.

Masar ayaa ku andacoonaysa in 13 sano oo wadahadal ah aysan wax natiijo ah ka soo bixin in Itoobiya ay ogolaato inay heshiis ka gaaraan dhismaha  biyo xireenka.

Masar waxa ay sheegtay in ay dhammaatay wax kasta oo is-afgarad ah, haatana ay diyaar u tahay in ay isticmaasho awooddeeda si ay u difaacdo una ilaaliso xuquuqda iyo danaha shacabka Masar.