9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2024
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay khasaaraha ka dhashay howlgalo laga fuliyay Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe
 

Arbaco, September, 4, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha kooxda Al-shabaab kasoo gaaray howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaano ka kala tirsan Galgaduud iyo shabeellaha dhexe.

Howlgalka oo qaatay ku dhawaad 24 saac ayaa la sheegay in ciidamada is kaashanaya ay ku dileen 19 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku kala sugnaa tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta deegaanka Ruunirgood iyo deegaanka Ceel Heele oo hoostagta degmada Ceeldheer.

Howlgaladaan ayaa ahaa kuwa isugu jiray cir iyo dhul waxaana goobaha laga kala fuliyay ay ahayeen goob kooxdu isku aruursaneysay iyo goob ay gaadiidka uga qaadan jireen lacagaha baada ah.

Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale lagu sheegay ciidamadu ay ku burburiyeen fariisimahiii kooxda iyo gaadiid dagaal oo kala ahaa gaari booyad ah iyo Cabdi Bile.

Hoos ka akhrso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-