9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2024
Dagaal beeleed khasaare badan geystay oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Arbaco, September, 4, 2024 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Caabudwaaq.

Dagaal beeleedka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Bali seenyoone oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaaado ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay ilaa 10 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaal beeleedka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhawaad 20 ruux oo kale.

Dagaal beeleedkaan ayaa la sheegay inuu ka bilaawday murun ka dhashay la haanshaha dhul banaan oo ku yaala deegaanka Bali Seenyoone, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in wali deegaanka ay isku horfadhiyaan labada maleeshiyo beeleed ee halkaasi ku dagaalamay.

Majrto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedka khasaaraha badan geystay ee wali xiisadiisa taagan tahay.

Dagaalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo deegaano kale oo ka mid ah Galmudug ay dhawaan ka dhaceen dagaal beeleedyo noocaan oo kale ah oo sababay khasaare kala duwan, waxaana maamulka Galmudug uu u muuqanaya mid ku fashilmay xal u helista dagaal beeleedyada ka dhaca deegaanada maamulkaas.