9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 4 , 2024
Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe
 

Arbaco, September, 4, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku yaala xadka gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.

Duqeymaha diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Heyle oo dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, halkaas oo lasoo wariyay iney isku arursanayeen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Duqeynta ayaa la tilmaamay iney khasaare xoog leh kasoo gaartay xubnaha Shabaab ee isku aruursanaayay goobaha la duqeeyay, hayeshee ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan inta u dhan yahay khasaaraha gaaray kooxda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in howlgalo socday labadii habeen ee lasoo dhaafay guulo ka gaartay dowladda.

"Hawlgallo xoogan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa Labadii habeen ee lasoo dhaafay laga fuliyay Galguduud, waxaa la beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen Khawaarijta iyo Gaadiid Saanad u waday, Guul ayaana laga gaaray, faahfaahinna waad helaysaan IA" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala.

Si kastaba ha ahaate howlgaladaan duqeynta ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay qorsheysay in la xoojiyo howlgalada dhanka hawada ah, kadib Shirkii Wasaaradda Gaashaandhiga dhawaan ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.