10/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 29, 2024
Maxkamaddo kooxda Al-shabaab uga furnaa Shabeellaha Hoose oo la burburiyay
 

Axad, September, 29, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa howgalo qorsheysnaa ku burburiyay Maxkamado kooxda Al-shabaab uga furnaa deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamo isugu jiray Militari, Booliis iyo Nabadsugid ayaa si wadajir ah u howlgalka uga fuliyay Beerta Cali Mahdi, Balad Aamiin iyo deegaano kale oo ku dhawdhaw, halkaas oo Al-shabaab ku layaheen Maxkamado looga soo xukun doonto Shabeellaha Hoose iyo magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalada ay ku burburiyeen Maxkamadahii kooxda uga furnaa deegaanadaas iyo gabaadyadoodii.

"Howlgalka oo saacado badan waxaan cagta ku marinay oo burburinay Maxkamado beenaadyadii kooxdu ku laheyd deegaanadaan oo dadka ugu yeeri jireen, hada kadib ma dhici doonto in markale dib meelahan Maxkamad beeneed uga sameystaan kooxda" ayuu yiri Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda.

Saraakiisha howlgaladaan hoggaamineysay ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed hada kadib ineysan ku soo lug go'in maxkamad beenaadyadii kooxdu ku lahayeen Beerta Cali Mahdi iyo Badal Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose.

"Khawaariijta hada kadib ma dhici doonto in dib maxakamad beeneedyo uga furtaan deegaandaan, dadka waxaan u sheegeyna iney u cadaalad doontaan maxkamadaha dowladda oo halkaan anaga ayaa joogi doono kama laaban doono" ayuu yiri Sarkaal u hadlay ciidanka dowladda.