9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2024
Somaliland oo walaac ka muujisay hubka ay Masar ugu deeqday Soomaaliya
 

Isniin, September, 23, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in hubka ay dowlada Masar ugu deeqday Soomaaliya uu gacanta u gali karo qabaa'ilka iyo kooxaha xagjirka ah, isla markaana amni daro ka abuuri karo gobolka.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya anay lahayn awood ay ku qaadi karto masuuliyada hub xadiga leh.

"Dowlada Somaliland waxay aad uga walaacsantahay hubka soo gaadhay maamulka Muqdisho, madaama oo maamulka Muqdisho aanu lahayd awood buuxda oo uu ku maamuli karo saanad sida u culus" ayaa lagu qoraalka wasaarada arrimaha dibadda.

Somaliland waxay sheegtay in tani ay sababi karto in kooxaha kala duwan ee ka jira Soomaaliya ay galaan tartan hub urursi ah, isla markaana, hubka loogu deeqay dowlada Soomaaliya uu khatar ugu jiro in uu gacanta u galo reeraha iyo kooxaha xagjir ah.

Xukuumadu waxa ay beesha caalamka ugu baaqday in ay qaadaan talaabooyin lagaga hortagayo in uu gobolku markale galo qalalaase, isla markaana la joogteeyo dadaalada lagu dhisayo nabada, iyada oo sheegtay in ay dhankeeda ka go'antahay ilaalinta nabada gobolku.

Dowlada Masar ayaa Soomaaliya ugu deeqday shixnado ka kooban noocyo kala duwan oo hub ah, kadib markii ay labada dowladood dhawaan kala saxeexdeen heshiis iskaashi millateri ah.

Puntland oo anay isku fiicnayn dowlada federaalka ayaa iyaduna dhankeeda hub ka keensatay Itoobiya, sidookale, hub tiro badan oo aan cida leh la xaqiijin oo Itoobiya laga keenay ayaa galay gacmaha shacabka, kadib markii ay maleeshiyo beeleed ku dhaceen degmada Caabud-waaq.