9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2024
Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duuleedka magaalada Baledweyne
 

Isniin, September, 23, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal duhurnimadii khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Ilkacade qiyaas ahaan dhinaca Waqooyi Bari kaga beegan magaalada ilaa 25KM.

Dagaalka ayaa ahaa mid u dhaxeeyay ciidamo taabacsan Gaadiidleyda gobolka Hiiraan oo xirtay wadada laamiga ah iyo ciidamo doonaayay in wadada gaadiid xoog ku gudbistaan.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku dhintay dagaalka labo lalena way ku dhaawacmeen, waxaana wali deegaanka laga soo sheegaya xaalad kacsanaan, maadama labada ciidan wali aysan kala fogeyn.

Gaadiidleyda gobolka Hiiraan ayaa xirtay wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Waqooyi iyo Baledweyne, kadib Markii ay kordheeyn isbaarooyinka la dhigtay inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Matabaan.

Gaadiidleyda waxay joojiyeen dhamaan isku socodka gaadiidkii qaadi jiray qudaarta, xoolaha iyo raashinka ee ka bixi jiray Baledweyne, waxayna sheegeen in wadadaas ay xirnaan doonto ilaa xal rasmi ah looga helayo isbaarooyinka tirada badan ee yaala.