9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2024
Khadiija Cumar oo noqotay gabadhii ugu horeysay oo xijaaban oo Soomaaliya uga qeyb galaysa tartanka Quruxda
 

Isniin, September, 23, 2024 (HOL) - Soomaaliya ayaa sanadkan ka soo muuqan doonta tartanka quruxda Adduunka ee Miss Universe, iyadoo Khadiija Cumar ay noqon doonto gabadhii ugu horreysay abid ee Miss Universe Soomaaliya iyo haweeneydii ugu horreysay oo xijaaban oo dalkeeda ku matasha masraxa caalamiga ah.

Khadiija oo 23 jir ah ayaa ka qeyb galaya tartanka 73-aad ee Miss Universe, kaasoo lagu wado in uu ka dhaco dalka Mexico bisha November.

Ka soo qeyb galka Khadiijo Cumar ayaa ah mid Soomaaliya iyo bulshada Muslimka ahba u ah mid taariikhi ah, maaddaama ay tartamayso iyadoo xijaaban. Sheekadeeda waxaa la dhacsan dad badan, gaar ahaan haweenka.

Waxay ku dhalatay xerada qaxootiga Xagardheer ee Kenya, Khadiija Cumar iyo qoyskeeda waxay u haajireen Kanada 2010.

Tartankeeda  ee Miss Universe waxaa lala barbar dhigayaa Xaliima Aden, oo ah gabadha moodalka ah ee Soomaali-Maraykanka ah, taasoo ahayd haweenaydii ugu horreysay ee xijaaban ee ka qeyb gasha  tartanka Miss Minnesota USA 2016, halkaas oo ay gaartay wareegga semi-finalka.

Sannadkii 2022-kii, Khadiijo ayaa sameysay rikoorkii wanaagsanaa markii ay gaartay 13-ka sare ee tartanka Miss World, iyada oo tallaabo taariikhi ah u noqotay matalaaddeeda Soomaalida ee ciyaaraha adduunka.

Hadda waxa ay diyaar u tahay in ay mar kale taariikh samayso iyada oo qeyb ka ah tartankii ugu horeeyay ee Miss Universe ee Soomaaliya, iyada oo u ololaysa kala duwanaanshaha.