9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2024
Dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Axad, September, 22, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare kala duwan geystay oo maanta ka dhacay deegaanka Laandheere oo ku yaala Waqooyiga gobolka Galgaduud.

newsinsdeDagaal oo ahaa mid aad u xoogan ayaa labada dhinac waxay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraaale.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa afar ruux oo labada dhinac ah ay ku geeriyoodeen dagaalka maanta ka dhacay Laandheere, islamarkaana dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Rasaas goos goos ah ayaa wali laga maqlaya goobaha ay ku dagalaameen labada maleeshiyo beeleed oo wali is hor fadhiya, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedka dib uga qarxay maanta deegaanka Laandheere.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo dhexmara beelaha wada dega goboladaas, waxaana dagaaladaasi ka dhasha khasaarooyin baaxad leh oo kala gaara beelaha dirirtu dhexmarto.