9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2024
Milatariga Uganda oo bilaabaya baaritaan ku aaddan shil diyaaradeed oo ka dhacay Soomaaliya
 

Axad, September, 22, 2024 (HOL) - Milatariga Uganda ayaa ku dhawaaqay baaritaanno ku saabsan diyaarad helikobter ah oo milateri oo ku dhacday gudaha Soomaaliya halkaasoo afar ka mid ah nabad ilaalinta ay ka badbaadeen shilka.

Felix Kulayigye, oo ah afhayeenka ciidamada Uganda oo khadka taleefoonka kula hadlay wakaalada wararka ee Xinhua ayaa sheegay in baaritaano lagu ogaan doono waxa sababay burburka diyaarada oo ah nooca ciidamada Uganda ee burburay wax yar kadib markii uu ka dhoofay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya fiidnimadii Khamiista.

Kulayigye ayaa sheegay in diyaaradaasi ay ka soo duushay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday garoonka Belidoogle oo qiyaastii 90 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya, waxaana saarnaa afar qof.

"Diyaaradda waa ay soo degtay, dhammaan dadkii saarnaana way bad qabaan. Mar kasta oo uu shil diyaaradeed dhaco waa in baaritaan la sameeyaa,” ayuu yiri Kulayigye.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.