9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2024
Raysal wasaare Xamse iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo Mareykanka uga qeyb galaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
 

Sabti, September, 21, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qeyb galaya shir weynaha madaxda Caalamka ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Raysal wasaaraha uu ka qeyb geli doono todobaadkan Kalfadhiga sare ee madaxda Caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, islamarkaana raysal wasaaraha uu halkaasi ka jeedin doono khudbad xasaasi ah.

“Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa toddobaadkan kaga qaybgali doona magaalada New York, Kalfadhiga heerka sare ee madaxda caalamka ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

"khudbadda Xamza Cabdi Barre ka jeedin doono madasha ayaa la filayaa inuu diiradda ku saaro doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Xamse.