9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2024
Booliiska Hirshabeelle oo gacanta kusoo dhigay koox burcad ah oo dhac geysanayay
 

Sabti, September, 21, 2024 (HOL) - Ciidamada Booliiska maamulka Hirshabeelle ayaa howgalo ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe kusoo qabqabtay rag burcad ah oo dhac u geysanaayay.

Ragaan burcada ah ee gacanta lagu soo dhigay ayaa ka kooban 5 ruux, waxaana la sheegay in lasoo qabtay iyagoo ku guda jiray dhac ay u geysanayeen dad Masaafur ah oo isticmaala wadada isku xirta Jowhar iyo Balcad.

Sarkaal ka tirsan Booliiska Hirshabeelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaan uu ahaa ujeedkiisa mid burcada looga sifeynaayay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinkaas.

"Waxaan gacanta kusoo dhignay burcad dhibaateyneysay dadka shacabka ah oo gaaraya 5 ruux xabsiga ayaa la dhigay, waxaan ku soo qabanay agab ay ka dhaceen dad shacab ah ah, maxkamadaha ku shaqada leh ayaana u gudbin doona" ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Booliiska Hirshabeelle.

Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada noocaan oo kale ah ay kasii wadi doonaan wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Balcad oo uu sheegay in mudooyinkii dambe kusoo badanayeen kooxaha burcada ah.

"Burcada noocey doonaan ha ahaadaan ama Macawiisley, ama ciidan dowlad ama burcad caadi ah cidii ay noqotaba waxaa naga go'an inaan la dagaalano oo dhibaatadooda ka qabano dadka shacabka ee ku safraya wadadaas" ayuu yiri sarkaalka Booliiska Hirshabeelle u hadlay.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay soo kordhayeen cabashada laga muujinayo burcada dhaca ugu geysata dadka safarka ah inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.