9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 21, 2024
Ciidanka xoogga dalka oo weerar qorsheysan kula wareegay deegaan ka tirsan gobolka Bakool
 

Sabti, September, 21, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa weerar qorsheysnaa ka fuliyay deegaanka Qeydar Cadde oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Deegaanka Qeydar Cadde oo qiyaas ahaan degmada Xudur kaga beegan dhanka Waqooyi Galbeed 30 KM ayaa lasoo wariyay iney ku dagaalameen ciidamada xoogga dalka iyo xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo halkaas isku aruursanaayay.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka ay kooxda kala wareegeen fariisimahii ay ku laheyeen deegaanka Qeydar Cadde, islamarkaana khasaare xoog leh gaarsiiyeen xubnahii ku sugnaa deegaankaas.

"Howlgalka wuxuu uu dhacay qorshihii loogu talagalay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirana lagaarsiiyey Khawaarijta oo deegaanka Qeydar-Adde fariisin ku lahaa xero tababarna uga furnaa, dagaal waqti kooban socday kadib lagala wareegay saldhigii ay kula haayeen deegaanka wixi agab ah oo yaalayna ka carareen" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Baay iyo Bakool maalmahii lasoo dhaafay ka socdeen howlgalo sidaan oo kale ah oo lagula dagaalamayo Al-shabaabka ku sugan deegaanada Baay iyo Bakool.