9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2024
Dagaal beeleed khasaare geystay oo dib uga qarxay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe
 

Khamiis, September, 19, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya xadka ay wadagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, gaar ahaan dhanka degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in halkaas uu dib uga qarxay dagaal beeleed khasaare geystay.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii maleeshiyaad ka yimid dhanka Shabeellaha dhexe ay weerarka soo qaadeen.

Inta la xaqiijiyay ilaa afar ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Jalalaqsi, waxaana jiro dhaawacyo intaas ka badan oo labada dhinac ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan dagaal beeleedka dib uga qarxay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, waxaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemay goobaha ay ku dagaalameen labada meleeshiyo beeleed ee kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Labadaan maleeshiyo beeleed ee kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa marar badan ku dagaalamay xadka labadaan gobol, waxaana dagaaladaas ku dhintay dad aad u badan oo qaarkood aan waxbo galabsan.