9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2024
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah
 

Talaado, September, 17, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo maanta ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ka fuliyeen deegaano ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalkooda qorsheysanaa maanta kula wareegay deegaanka Baraag Cali gaduud oo qiyaas ahaan 50 KM dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Xarardheere.

Deegaanka Baraag Cali gaduud ayaa kooxda Al-shabaab u ahaa fariisin muhiim ah oo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan inta badan deegaanada gobolkaas.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney burburiyeen gabaadyo iyo difaacyo xoogan oo kooxdu ku laheyd deegaankaas.

Koonfurta gobolka Mudug waxaa mudo laba sano ku dhaw ka socda howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee  lagu doonayo in looga ciribtiro kooxda guud ahaan deegaanada gobolka Mudug.