9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2024
Howlgal la isugu furaayo magaalooyinka Balacad iyo Jowhar oo bilaabanaya
 

Talaado, September, 17, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Lugta ee ciidanka xoogga Dayax Cabdi Cabduulle ayaa ka shiray sidii Al-shabaab looga xureyn lahaa inta u dhaxeysa degmooyinka Jowhar iyo Balcad.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo saraakiil kale, waxaana labada dhinac ay isla qaateen in la bilaabo howlgalo Al-shabaab looga sifeynayo wadada dheer ee isku xirta Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

“Waxaan dadaal mid ah ugu jirnaa sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa Khawaarijta gaar ahaana deegaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Kulankaan ku dhexmaray degmada Balcad  madaxweynaha Hirshabeelle iyo Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee looga hadlaayay sidii la isugu furi lahaa wadada isku xirta degmooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wadadaasi marar badan Al-shabaab ka geysteen weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwa toos ah.

Waxaana xusid midan in madaxda iyo masuuliyiinta Hirshabeelle in Muqdisho oo Jowhar 90 KM u jirta markii ay usoo safrayaan soo raacan diyaarad, maadama amniga wadadaas uu yahay mid halis badan oo horay dhimasho iyo dhaawac kala kulmeen masuuliyiin ka tirsaneyd Hirshabeelle oo ku safraayay wadadaas.