9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2024
Wafdi Sare oo ka socda Urur goboleedka IGAD oo Muqdisho soo gaaray


Isniin, September, 16, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi sare oo ka socda Ururka goboleedka IGAD oo uu hoggaaminaayo Xoghayaha fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyeh.

Wafdigaan waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Fedaraalka.

Wafdi ayaa loo galbiyay xarun loogu talagalay in la dejiyo si ay ula kulmaan madaxda sare ee dowladda Federaalka oo ay ka wada hadli doonaan xaaladda ka taagan geeska Afrika iyo tan ka dhex jirta Urur Goboleedka IGAD.

"Ujeedka safarka ee Dr. Workneh Gebeyahu Xog-hayaha Urur Goboleedka IGAD, ayaa waxa uu daarran yahay xoojinta labada dhimac, Amaanka Gobolka, iyo isbedalka Cimillada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee safarka wafdiga IGAD ka socda ku yimaadeen goordhaw magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmaya, maalin kadib markii ay dowladaha Itoobiya, Suudaanta Koonfureed iyo Jabuuti saxiixeen dib u qaabeynta cusub ee Urur gobaleedka IGAD.