9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2024
Qoyska laga raadiyay DNA-da ee laga helay Somaliland – akhriso sheekadda Linda Ewack


Linda Ewack, left, is seen here at a past Christmas with her mother Tammy, right, and her younger sister Kealie Ewack. (Submitted by Linda Ewack)

Axad, September, 15, 2024 (HOL) - Linda Ewack waxay ku kortay gobolka Saskatchewan ee dalka Canada, iyadoo marwalba dareemaysay inaysan ku dhex milmin bulshada ay la nooshahay. Carruurta ay la kortay marna kuma aysan qanacsaneyn, waxaana had iyo jeer laga dareemi jiray qanaaco la'aan ay la kulanto.

Markii nalalka la damo, waxay carruurta kale u sheegi jireen inay dhoola caddeyso, iyagoo ka maadeysanaya farqiga u dhexeeya ilkaheeda iyo maqaarkeeda madow. Linda waxay ahayd gabar ka madoobeyd kuwa kale ee ay la joogtay Ocean Man First Nation, laakiin waxay ogayd in maqaarkeedu ay ka dhaxashay hooyadeed.

Hooyadeed waxay u sheegtay inay qeyb ahaan madow tahay, balse xogtii aabbaheed ay aad u koobneyd, waxayna kaliya ogaatay in aabbaha lagu naanaysi jiray "Jimmy," iyadoo malaysay inuu kasoo jeedo Jamaica, maadaama uu lahaa saaxiibo badan oo halkaas ka yimid.

Iskuul ay ka dhiganeysay magaalo yar oo miyi ah, ayay mar kale kala kulantay fikrado aan wanaagsaneyn oo ka dhan ah dadka madowga iyo Muslimiinta, gaar ahaan wixii ka dambeeyay weerarkii argagixiso ee 11-kii Sebtember 2001. Intii ay soo koreysay, aqoonsigeedu wuxuu ku koobnaa madow ahaanshaheeda, laakin aysan si gaar ah u aqoonsan meel gaar ah oo ay ka soo jeeddo. Waxay sidoo kale la qabsatay dhaqamada iyo xafladaha asalka ah ee hooyadeed, taasoo qayb ka noqotay nafteeda iyo xiriirka hooyadeed.

Inkasta oo ay hooyadeed jeclayd, haddana waxay dareemaysay in aysan u qalmin jacayl buuxa, sababtoo ah aabbaheed wuxuu uga tagay sidii qof aan qiimo lahayn. Linda marnaba ma qiyaasi karin in raadinta xiriirkeeda Afrika ay buuxin lahayd god weyn oo ku jiray nolosheeda.

Baaritaanka DNA iyo natiijadii lama filaanka aheyd.

Bishii Diseembar 2022, Linda waxay sameysay baaritaan DNA iyadoo adeegsanaysa 23andMe, taasoo bedeshay nolosheeda. Markii ay furatay teleefoonkeeda si ay u eegto natiijada, waxay ogaaday inay boqolkiiba 49 Itoobiyaan tahay. Falcelinteedii ugu horreysay waxay ahayd qosol, maadaama hooyadeed aysan wax badan ka ogeyn aabbaheed. Marka ay sii baartay xogta, waxay sidoo kale ogaatay inay leedahay gabar walaal ah oo aysan waligeed ka warqabin. Qosolkii ayaa isku beddelay ilin dareen leh.

Walaasheed waxay ku dhalatay Regina laakiin waxay ku nooshahay Toronto. Waxay haysay xog badan oo ku saabsan aabbahood oo magaciisu ahaa Jimcaale, balse lama yaqaan halka uu ku sugan yahay. Kadib markay is barteen, waxaa soo wacay wiil ay ilma adeero yihiin oo ku nool Boqortooyada Ingiriiska, taasoo sii ballaarisay aragtideeda qoyska.

La kulanka qoyskeeda cusub


Ewack, in a pale pink head covering, standing at centre, met cousins, uncles, aunts, grandmother as well as her half-sister on a 2023 trip to Africa. (Submitted by Linda Ewack)

Maalmo kadib waxaa mar kale telefoonka kasoo wacay wiilkii ilma adeerada ahaayeen, kaas oo u sheegay inay leeyihiin awoowayaal, eedooyin, abtiyaal iyo adeero badan.

Inkastoo ay weyday fursad ay ku la kulanto aabbaheed oo xanuunka COVID-19 u geeriyooday labo sano kahor, haddana Linda waxay ogaatay inay leedahay qoys dhammeystiran oo ku nool Somaliland. Qoyskeeda ayaa u iibiyay tigidh ay ku tagto Somaliland si ay ula kulanto ehelka aabbaheed. Markii ay gaartay halkaas, waxay si degdeg ah u aqoonsatay walaasheed, oo ay u aragtay qofka ugu quruxda badan oo aad ugu ekayd iyada.

Linda waxay ku nooleyd waayo-aragnimo cusub oo ay la kulantay qoyskeeda. Dareenkeedii lumay ee ku aadanaa quruxda nafteeda ayaa soo celiyey markay la kulantay walaasheed iyo ehelkeeda. Waxay ogaatay in ay tahay qof muhiim ah oo qurux badan, oo mudan jacayl iyo qiimeyn.

Socdaalkii ay ku bilowday baaritaanka DNA-da ayaa u horseeday in Linda hesho aqoonsi buuxa oo nafteeda ah. Waxay hadda nafteeda u aragtaa mid dhan, iyada oo ka koobmaysa asalkeeda madow iyo dhaqamadeeda asalka ah. Dhibaatooyinkii ay soo martay iyo dhaawacyadii jireed iyo maskaxeed ee ay la kulantay, ma aysan joojin in ay hesho qoys jacayl iyo taageero buuxa ku siinaya. Socdaalkaan wuxuu baray Linda in qoyska iyo aqoonsigu ay yihiin kuwo laga heli karo meelo kala duwan, oo mar walba dib loo dhisi karo.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]