9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2024
Afhayeenka ONLF " Hadalka kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Itoobiya, waxaanu u aragnaa mid daandaansi ah"
 

Jimco, September, 13, 2024 (HOL) - Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadal dhawaan ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Itoobiya Birhanu Julla uu yahay mid daandaansi ah isla markaana aan la aqbali karin.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in Dowladda Itoobiya ay Ururka ONLF ku riixayso Dowladaha ay is hayaan, isla markaana ay sheegtay Dowladda Itoobiya in Ururo ay kamid tahay ONLF ay ka dambeyso Dowladda Masar oo ay is hayaan Dowladda Itoobiya.

Caddaani Hirmooge oo ka hadlayay heshiiska ay wada galeen iyaga iyo Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in wakhti haatan laga joogo lixsano uu Ururka ONLF heshiis nabadeed la galay Dowladda Itoobiya, ilaa maantana ay heshiiskaan ku joogaan, iyadoo ONLF ay halgankeedii si sharci ah ay uga wadato gudaha dalka Itoobiya gaar ahaan Degaanka Soomaalida.

"Xisbi siyaasi ah oo sharci ah ayaa nahay, xisbi siyaasi ah oo wadanka ka jiro weeye, xisbi siyaasi ah oo nabad qaatay weeye, ONLF cid madax-adeeg ku sheegto waa laga yaabaa inay jirto laakiin inay cid kale ku ladhan tahay ama ka dambeyso ama ku adeegato waligeed cadowgeeda iyo naasixeeda midna kama soo yeerin," ayuu yiri Afhayeenku.

Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka ONLF Caddaani Hirmooge ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la sheegay in Taliyaha Ciidanka Itoobiya Janaraal Birhanu Julla uu hadal uu jeedinayay ku sheegay in Ururo ay ku jirto ONLF ay ka dambeyso oo ay caawinayso Dowladda Masar.