9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2024
Dowladda Soomaaliya oo uga digtay macalimiinta dugsi qur’aanka iyo culimada inay u hoggaansamaan awaamiirta Alshabaab
 

Jimco, September, 13, 2024 (HOL) - Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga digtay in macallimiinta Qur’aanka kariimka ah iyo imaamyada masaajidda ay u hoggaansamaan awaamiirta kooxda Alshabaab.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay xog ku heleyso in ay weli jiraan Macalimiin Dugsi Qur'aan iyo culimo qorsheynaya in ay u hogaansamaan amarada Alshabaab isla markaasna ay ku howlanyihiin aadista goobaha Shabaabku ku dhuumaaleysato.

“Qof kasta oo macallim dugsi Qur' aan, mu'adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah ee lagu helo la macaamilka khawaarijta ama u hogaasamidda amarradooda in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan isla markaasna aan loo haynin wax cudur daar ah,” ayay tiri wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya.

Shirarkii ugu dambeeyay ee Culimada Soomaaliyeed ee ku qabsoomay Muqdisho Oktoobar 2022 iyo Janaayo 2023, ayaa laga soo saaray Fatwooyin ka dhanka ah la macaamilka kooxda Alshabaab.