9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2024
Wasiirka Batroolka oo sheegay in qodista shidaalka Soomaaliya ay bilaabanayso bisha Abril 2025
 

Jimco, September, 13, 2024 (HOL) - Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in bisha Abril ee sannadka soo socda ay dowladda Turkiga si rasmi ah uga bilaabi karto Soomaaliya qodista shidaalka xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay soo saarista shidaalka in ay tahay meesha ay Soomaaliya ay uga bixi karto faqriga dalkeeda, korna loogu qaadi karo dhaqaalaha dalka. Wuxuu sheegay dowladda Turkiga inay si dardar leh ku waddo inay muddo kooban kusoo gababagayso shaqada ka horraysa qodista.

Wasiirka Batroolka wuxuu sheegay meelaha laga sameynayo shidaal baarista in ay yihiin 13 xirmo oo kuyaala gudaha badda. Balse, wuxuu sidoo kale tilmaamay inay jiraan shirkad laga leeyahay dalka Qatar oo ay heshiis dowladda kula gashay inay shidaal ka baarto saddex goobood oo dhinaca barriga ah oo ay kamid tahay  degmada Afgooye.

Wuxuu sheegay wasiirku, in dowladdu illaa afar shirkadood ay heshiis kula gashay shidaal baarista badda gudaheeda ah. Meelaha shidaalka laga baarayo waxa uu sheegay inay kala yihiin, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay badda Soomaaliya inay kuyaalaan in ka badan 200 xirmo oo la filayo inuu shidaal ka buuxo. Wuxuu sheegay in aan weli lagu samaynin wax sahmin ah, sababtuna ay tahay walaaca dhinaca ammaanka iyo khilaafaadyada dalka jira.