9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2024
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay Natiijadii Imtixaanka fasalka 12aad ee ay ku dhaceen intii badnayd ardayda Degaanka Soomaalida
 

Khamiis, September, 12, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facebook ayaa ka hadlay Tayada Waxbarashada Degaanka Soomaalida, ayaa isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Natiijadii Imtixaanaadka ee dhawaan laga shaaciyay Dugsiyada Waxbarashada dalka Itoobiya.

Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn sheegay in Natiijadii dhawaan la shaaciyay ee fasalka 12aad aysan ku koobnayn Degaanka Soomaalida, balse si guud ay uga jirtay dalka Itoobiya isagoo Madaxweynuhu qeexay inay arrintani sabab u ahayd is baddalkii lagu sameeyay qaabka loo qaadi jiray Imtixaanaadka 12aadka, oo muddo dhow loo baddalay in lagu qaado Jaamacadaha dalka Itoobiya, si looga hortago qishka.

Imtixaanka fasalka 12aadka ee sannadkan ayaa si guud waxaa u fadhiistay 647,000 oo Arday, waxaana baasay 5.4%, Marka loo yimaaddo Degaanka Soomaalida waxaa baasay 1.2%, Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu arrintan ku sheegay in dhinaca Tayada Waxbarashada uusan Degaanka Soomaalida lamid ahayn qaar badan oo kamid ah degaannada dalka Itoobiya, oo uu ka hooseeyo.

Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa kale oo uu sheegay in Jaamacadaha ay Dowladdu maamsuho ama leedahay ay sannad walba qaataan Arday aan ka badnayn 140,000 oo Arday, taas oo macnaheedu tahay in Jaamacadahaasi ay qaadan karaan arday aan ka badnayn 20%, marka loo eego Ardayda u fadhiista Imtixaanaadka fasalka 12aad ee guud ahaan dalka Itoobiya.

Qishka Imtxaanaadka oo ay Dowladdu dadaal kula jirto sidii loo xakamayn lahaa ayaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaysan munaasab ahayn in la yiraahdo Tayada Waxbarashadu way fiican tahay marka qishka la fasaxo oo 80% ay Ardaydu baasayso, kolba qishka la joojiyana 5% baasayaan, taas oo Madaxweynuhu sheegay inaysan sax ahayn waa siduu hadalka u dhigay Mustafe Cagjar.

Hadalladan kasoo yeeray Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ku soo hagaagaya xilli dhawaan aad loo hadal hayay Natiijadii Imtixaanaadka Fasalka 12aad ee Degaanka Soomaalida oo ardaydu intoodii badnayd ay ku dhaceen, taas oo Dowladdu ay la xiriirisay arrimo ku saabsan qishka oo la xakameeyay.