9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2024
Somaliland oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu guul ku soo dhamaaday heshiiskii ay la gashay Itoobiya
 

Arbaco, September, 11, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in uu guul ku soo dhamaaday heshiiskii is fahan ee ay la gashay Itoobiya, isla markaana dhawaan qalinka lagu duugi doono.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa saaka iskugu yeedhay dibulumaasiyiinta shisheeye ee ku sugan Somaliland, isaga oo u sheegay in heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya dhawaan loo badalayo heshiis rasmi ah.

"Halkan waxaan ku shaacinayaa in heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya uu soo dhamaaday, oo muddo aad u dhaw hesiiskii la dhamayn doono, taasi guul ayay tahay" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Xukuumada Itoobiya oo shalay soo bandhigtay guulihii ay gaadhay sannadkii 2016 ee tirsiga Itoobiya, ayaa soo bandhigtay sawirkii Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya xiligii ay saxeexayeen is afgaradka.

Bandhigan ayaa loo fahmay in Itoobiya ay ka go'antahay in ay hirgaliso heshiiska, oo wali aan rasmi noqon. Heshiiska labada dhinac ayaa sababay in uu xumaado xidhiidhkii dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowlada Jabuuti oo iyadu heshiiska u aragtay khatar dhaqaale ayaa Itoobiya u dirtay codsi ay Itoobiya ku siinayso deked codsigaas oo anay wali Itoobiya kasoo jawaabin