9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2024
Axmed Karaash: Waxaan u sheegayaa shirkadaha caalamiga ah inaysan waqtigooda ku lumin goobta shidaalka Holhol
 

Arbaco, September, 11, 2024 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka hadlay war kasoo baxay wasiirka Batroolka Soomaaliya oo sheegay in la saxeexay heshiisyo cusub oo dhinaca shidaalka ah oo uu ka mid yahay kaydka shidaalka ee Holhol ee gobolka Sool.

Axmed Karaash ayaa si adag uga hadlay arrintaan, isagoo sheegay in aan lagusoo hungoobin in baaris laga sameeyo goobta Shidaalka Holhol, iyadoo aan lagala tashan dadka go'aankiisa iska leh.

"Waxaan rabnaa inaan ku wargelinno shirkadaha caalamiga ah inaysan waqtigooda ku lumin goobta shidaalka Holhol ama kheyraadka kale ee gobolka. Ma jirto cid awood sharci ah u leh si ay u dhamaystirto heshiisyadan oo kale iyada oo aan la raacin dariiqa sharciga ah ee saxda ah lana helin ogolaansho wadajir ah,”ayuu yiri Axmed Karaash.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Turkiga heshiis kula gashay baarista shidaalka Soomaaliya.

Turkiga ayaa bisha October ee sannadkan Markab usoo diraya xeebaha Soomaaliya, si uu u bilaabo sahminta ceelasha shidaalka ee Soomaaliya.

Inkastoo Ceelka Holhol uusan ku oollin xeeb, haddana wuxuu kamid yahay meelaha shidaalka ku jira. Dowladda Soomaaliya ayaana ku dartay liiska goobaha ay doonayso in laga sameeyo baaris shidaal, lamana oga in dowladd ay kala tashatay maamulka SSC Khaatumo oo ka taliya deegaankaas.