9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2024
Ciidanka PSF oo ku amray dadka deggan garoonka diyaaradaha boosaaso inay ka fogaadaan
 

Arbaco, September, 11, 2024 (HOL) - Taliska ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa ku amray dadka deggen agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso inay isaga fogaadaan, kadib markii ay ka soo horjeesteen in askar dhaawac ah oo ka tirsan ciidankooda loo diiday inay ka dhoofaan garoonka.

"Duulimaadyada diyaaradaha waxaan uga digeynaa in ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha Boosaaso ilaa garoonka lagusoo celinayo gacantii hore uuna noqon doono meel loo siman yahay oo muwaadiniintu wada isticmaali karto," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay PSF.

Ciidanka PSF ee Puntland ayaa sheegay in laga hor istaagay askar ka tirsan ciidankooda oo dhaawacyo kala duwan qaba inay garoonka Boosaaso ka dhoofaan. PSF waxay tilmaantay in askartan dhaawaca qaba ay yihiin kuwa naftooda khatar u geliyey iyagoo dalkooda u shaqeynayay.

Warsaxaafadeedka PSF ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay dhabar-jab ku tahay dadaalada lagu difaacayo dalka iyo loogana xoreynayo khawaarijta Al-Shabaab.

"Sida lawada og yahay, Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo ah goob duulimaadka rayidka ah loogu talagalay ayaa muddo saddex sano ah la diiday in PSF cid u socota ay ka soo degto ama saraakiisha PSF ay ka duuli karaan. Sidoo kale, waxaa laga hor istaagay in dhaawacyada ciidanka PSF ay isticmaali karaan garoonka Boosaaso," ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka PSF.

PSF ayaa ku eedeeysay maamulka garoonka inay ka been abuureen xaaladda, waxayna ku baaqeen in dadka ku nool garoonka ay u hogaansamaan amarada cusub ee ay soo saareen.

Warkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Boosaaso laga dareemayay xiisado colaadeed oo ka dhextaagan ciidanka PSF iyo ciidanka PMPF, taasoo ka dhalatay markii Boosaaso laga afduubtay mid kamid ah qoyska agaasimaha ciidanka PMPF.