9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2024
Somaliland oo xidhay Maktabadii Masaarida ee Hargaysa
 

Arbaco, September, 11, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay xidhay Maktabad ay  Masaaridu ku lahaayeen Hargaysa, sababo amni awgood.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda D.R. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay xidhista maktabadan oo ahayd xarunta ugu wayn ee ay Masaaridu ku lahaayeen Somaliland, iyadoo shaqaalaha maktabada loogu baaqay in ay 72 saacadood gudahood kaga baxaan Somaliland.

"Xukuumada Somaliland waxay ay dareentay walaacyo amni oo joogta ah, sidaa darteed, wasaarada arrimaha dibadu waxa ay go'aansatay in si joogta ah loo xidho maktabada dhaqanka ee Masar kuwa ka shaqeeyana dalka lagaga saaro muddo dhawr iyo todobaatan saacadood ah" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidanka sirdoonku ay kor joogtayn doonaan, isla markaaana ay hubin doonaan in xidhitaanka iyo guuritaanka shaqaaluhuba uu ku dhaco si dagan oo haboon.

Maktabadan oo ku dhagan Madaxtooyada Somaliland, ayaa muddo dheer xarun u ahayd Masaarida, iyada oo anay shacabku gali jirin oo anay ahayn meel shacabka u furan lakiin dad Masaari ah uun ay hoy u ahayd.

Somaliland ayaa ka qaylisay xidhiidh difaac oo ay dhawaan wada yeesheen waddamada Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ay Masar shixnado hub ah gaadhsiisay Muqdisho, lana filayo in ay ciidamo halkaa u dirto.

Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Masar ee la sheegay in ay imanayaan Soomaaliya, ay khatar ku yihiin jiritaankeeda, taasi oo sababtay in laga shakiyo maktabada Masaarida oo ku dhagan Madaxtooyada Somaliland.