9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2024
Dowladda Soomaaliya oo dalalka ciidamadooda ka joogaan ugu baaqday ixtiraamka midnimadeeda dhuleed
 

Talaado, September, 10, 2024 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq u dirtay dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ku boorineysa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka.

Baaqan waxaa soo jeediyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, oo warbixin kooban ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Abuukar Baalle ayaa si cad ugu sheegay dalalkaas in ay muhiim tahay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ka digay in danaha waddamada ciidamada shisheeye ay mararka qaar keeni karaan mugdi khatar galin kara xasiloonida dalka.

Waxa uu sidoo kale muujiyay in haddii aan la tixgelin xeerarka caalamiga ah iyo midnimada dhuleed, ay dhici karto in talaabooyinkaas loo qaato gardarro.

Danjire Baalle ayaa sidoo kale sheegay in ay lama huraan tahay in la helo maalgelin dhaqaale oo ku filan oo taageerta hawlgallada nabad ilaalinta.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa u muuqda mid ku socda  Itoobiya, oo lagu eedeeyay inay fara galin ku hayso midnimada dhuleed ee Soomaaliyeed, kaddib markii ay heshiis dhinaca badda ah bishii Janauary ee sannadkan la gashay Somaliland.