9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2024
In ka badan 40 ruux oo lagu dilay duqeyn ka dhacay xero barakacayaal ah oo ku taala Gaza


Talaado, September, 10, 2024 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada Isra'il  aroornimadii hore ee saakay ka geysteen magaalada Gaza.

Duqeymaha ciidanka Isra'il ayaa la sheegay iney la beegsadeen teendhooyin ay dagan yihiin dadka ku barakacay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Militariga Isra'il iyo Ururka Xamaas.

Ugu yaraan 40 ruux ayaa lagu soo waramaya iney ku dhinteen duqeynta aroortii hore ee saakay Isra'il ka geystay Gaza, waxaana ku dhaawacmay ilaa 60 ruux oo kale.

Mlitariga Isra'il oo ka hadlay duqeyntaan khasaaraha badan u geystay dadka Shacabka ah, waxay sheegeen in duqeynta ku beegsadeen xarun ay ka howlgalaan Ururka Xamaas oo ku taala Koonfurta Gaza.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ilaa 20 teendho ay wali gubanayaan, islamarkaana la ogeen khasaaraha dhabta ah uu kasii badan karo 40 ruux ee ka midka ahaa dad tiro badan oo ah Falastiiniyiin barakac ah oo isaga kala yimid meelo badan oo ka mid ah marinka Gaza ah.

Ugu dambeyntii waaxda Caafimaadka Falastiin ayaa horay u sheegtay in tirada dadka lagu dilay magaalada Gaza ay kor u dhaaftay 40 kun oo Falastiinyiin ah tan iyo wixii ka dambeeyay  7-dii bishii Oktobar ee sanadkii 2023.