10/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2024
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo ka warbixiyay halka uu maraayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka
 

Talaado, October, 8, 2024 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee maalmahii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo Shalay uu isaga baxay madaxweynaha maamulka Jubbaland oo dib ugu laabtay Kismaayo.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay inuu wali socdo shirka golaha wadatashiga Qaranka, islamar ahaantaana madaxda ay ku jiraan la tashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar ayna soo saari doonaan go’aano rasmi ah.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee furmay 2-dii bishaan October weli wuu socdaa. Madaxda shirka ka qeyb gashay waxay ku jiraan latashiyo muhiim ah oo la xiriira qodobada qaar, marka latashiyadaas dhamaadaana waxa la soo saari doonaa go’aanno iyo war murtiyeed rasmi ah" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Raysal wasaaraha in mudada uu xilka haayo golaha Wadatashiga Qaranka iney kulmeen 9 jeer, islamarkaana kulamadaasi ay ahayeen dhamaantood kuwa ahmiyad weyn u lahaa dowladnimada ayna kusoo dhamaadeen guulo la taaban karay.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in shirka golaha wadatashiga Qaranka ee haatan ka socda Muqdisho inuu guul kusoo dhamaan doono, waxaana xusid mudan in shirkaan natiijada kasoo bixi doonta uusan qeyb ka aheyeen madaxweynaha Jubbaland  Axmed Madoobe oo Shirka isaga baxay iyo madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo horey uga maqnaa shirarka golaha wadatashiga mudo dhan hal sano.

“Waxaa naga go’an midnimada iyo qaranimada Soomaaliyeed iyo in aan ka fogaano waxkasta oo keeni kara kala qeybinta dadka Soomaaliyeed, waxaa naga go’an in dalka horey loo wado oo dib loo celin" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Gabagabadii Raysal wasaare Xamse ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ilaalinta midnimada, gobanimada, Qaranimada Soomaaliyeed iyo in laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qaybinta dadka Soomaaliyeed.