Hiiraan Online
11/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2024
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo maanta ansixiyay heshiisyo is afgarad oo muhiim ah
Khamiis, October, 31, 2024 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ahaa maanta ku ansixiyay heshiisyo is afgarad oo dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha.
Heshiisyada ay maanta ansixyeen golaha Wasiiradda ayaa la xiriira hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka Golaha oo uu shir gudoominayey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan halka uu marayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 – 2029) iyo Bulshada Bariga Afrika.
Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale kulanka warbixin kaga dhagaystay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, taasoo ka warbixisay wax soo saarka dalka iyo xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Shirka Golaha Wasiirradda ee ayaana lagu soo hadal qaadin go’aanadii Xalay kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee la xariiray mudo kororsiga halka sano ah ee loo sameeyay madaxda maamul goboleedyada dalka.