11/21/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 30, 2024
UK: Soomaaliya ayaa leh go'aanka ugu dambeeya ee Itoobiya ugasii mid ahaan karaan nabad ilaaliyaasheeda
 

Arbaco, October, 30, 2024 (HOL) - Danjire Michael Nithavrianakis oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay go’aanka ugu dambeeya ee ku saabsan ka qeyb galka ciidamada Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika inuu horyaalo dowladda Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray safiirka UK ayaau hoosta ka xariiqaya mowqifka Dowladda UK ee ku aaddan ixtiraamka madax-bannaanida Soomaaliya si loo go’aamiyo iskaashiga dhinaca amniga ah.

Danjire Nithavrianakis ayaa muujiyay sida ay UK u taageersan tahay dadaallada diblumaasiyadeed ee socda oo ay hormuud ka yihiin Kenya iyo Turkiga, kuwaas oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda hadda ka dhex taagan Muqdisho iyo Addis Ababa.

Waxa uu iftiimiyay in UK ay diiradda saarayso dhiirigelinta xalalka ay dalalka Ciidamada ku tabarucay (TCCs) ay u gudbi karaan si ay mustaqbalka u noqdaan Iskaashiga Ciidamada (TPNs).

"Mawqifka dawladda UK waa in la helo waddooyin awood u siinaya ciidamada hadda jira inay si habsami leh ugu gudbaan howlgalka xiga, iyaga oo la jaan qaadaya yoolalka xasilloonida gobolka ee muddada dheer," ayuu raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay ka soo horjeedo ka qeyb galka Itoobiya ee howlgalka nabad ilaalinta, iyadoo sabab uga dhigtay xad-gudubyo ka dhan ah Qaranimada Soomaaliya oo ay geysatay Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda walaac xooggan ka muujisay amnigeeda iyo xasilloonida gobolka haddii ciidamadeeda qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS laga saaro Soomaaliya.