10/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 29, 2024
Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Sababta Keentay Burburka Shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya
 

Talaado, October, 29, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in shirkii ay Jabuuti kula yeesheen Soomaaliya uu dhicisoobay, kadib markii ay dowlada Soomaaliya ka maarantay oo ay sii wadi wayday.

Biixi oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali, ayaa sheegay lagu balamay in markale bil gudaheed Jabuuti layskugu yimaado, lakiin dowlada Soomaaliya ay xoortay oo anay balantii fulin.

"Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya inkasta oo aan waxbadan laysku afgaran wuxuu go'aanku ahaa in bil gudaheed layskugu soo noqdo, annagu diyaar ayaabanu ahayne, qolooyinka kale ayaa ka maarmay" ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu sheegay in heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland aanu ahayn soo boodo, lakiin uu in badan soo socday, sidaas darteedna aanu wax xidhiidha la lahayn shirkii Jabuuti ee Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana aanu qorshahoodu ahayn in ay wadahadalada xagal daaciyaan.

Waxa uu sheegay in wadahadaladu muddo badan socdeen, isla markaana lagu daalay oo anay midhodhalin, sidaas darteedna ay Somaliland aqoonsigeeda si madaxbannaan u raadsan doonto, Soomaaliya-na ay la gudboontahay in anay farogalin, lakiin ay markale, dib u bilaabi karaan hadii Soomaaliya ay u baahato.

Waxa uu sheegay in heshiiskii aanu wali noqon mid rasmi ah sababta dib u dhaca keentayna ay tahay buuq badan oo gobolka ka dhashay, oo dowlada Soomaaliya ay horseed ka ahayd, lakiin anay cidna hor istaagi karin rabitaanka shacabka Somaliland.