10/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 26, 2024
Puntland oo ku eedeysay dowladda Federaalka in ay muran galisay gobollo iyo degaano dhulkeeda kamid ah
 

Sabti, October, 26, 2024 (HOL) - Puntland ayaa cambaaraysay khariirad cusub oo ay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muran ku gelisay gobollo iyo degmooyin ka tirsan maamulkeeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay, in arrintan ay meel ka dhac ku tahay Dastuurka Puntland, Hannaanka dib u heshiisiinta iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Puntland waxay sheegtay in khariirada ay dowladdu kusoo shaacisay baraha bulshada ay horudhac u tahay khilaafaadka sahaminta iyo soo saarista khayraadka Dalka, kaasoo ay sheegtay in aan awalba heshiis lagu ahayn, islamarkaasna si qarsoodi ah loo siiyey shirkaddo iyo Waddamo aan Marin hannaanka sharciga ah.

“Xuduudayntaan cusub waxay muujinaysaa in lagu carqaladeynayo Midnimada, Wadajirka, Xasiloonida iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolada Puntland, “ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay kalfadhigga baarlamaanka Puntland ayaa ka digtay in tilaabooyinka ay keeni karaan xasilooni darro iyo dib u dhac ku yimaada midnimada, Wadajirka iyo Dowlad-dhiska Soomaaliya.

Deni ayaa sheegay in qeyb kamid ah khariirada loogu gafay midnimada Soomaaliya, kaddib markii Somaliland loogu aqoonsaday dowlad iskeed isku taagtay. Wuxuu dowladda Federaalka ugu baaqay in raali galin iyo cudur daar ka bixiso.

Si kastaba ha ahaatee, sida HOL ay ogaatay, khariiradan hadal haynta badan dhalisay ayaa asalkeedii hore qeyb ka ahayd cilmi baaris laga sameeyay Soomaaliya sannadkii 2015, taasoo ku saabsanayd mustaqbalka Federaalaynta Soomaaliya.

Xilliga cilmi baaristan ay soo baxday, gobolada Sool iyo Sanaag waxay ahaayeen dhul lagu muransan yahay. Sidoo kale kale Puntland iyo Galmudug ayaa isku haystay degaano kuyaala gobolka Mudug.