10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 21, 2024
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada dalka Jabuuti
 

Isniin, October, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada dalka Jabuuti kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka labada madaxweyne ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray adkaynta nabadda, amniga gobolka, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga labada dal, iyo ilaalinta gobannimada dalalka gobolka.

"Waxay si wadajir ah u soo dhoweeyeen aasaaska howlgalka cusub ee taageerada xasilloonida Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM), kaasoo baddali doona hawlgalkii hore ee ATMIS" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada walaalnimo ee joogtada ah oo ay ku bixiyaan amniga, dowlad dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa balan qaaday iney laba laabi doonaan taageeradeeda nabadda, dowlad dhiska iyo difaaca qarannimada Soomaaliyeed, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in howlgalka cusub ee Midowga Afrika uu noqon doono kii ugu dambeeyay ee lagu soo afjari lahaa qatarta argagixisada ee gobolka.

Kulankaan dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ah kulamo uu madaxweynaha Soomaaliya la yeelanayo madaxda dalalkooda ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulamo lasoo kala qaatay madaxweynayaasha Uganda iyo Burundi.