10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 20, 2024
Dalalka ku bahoobay howlgalka ATMIS oo sheegay inay diyaar u yihiin howlgalka AUSSOM
 

Axad, October, 20, 2024 (HOL) - Itoobiya iyo dalalka kale ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ku sii wadaan howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya, xilli howlgalka ATMIS  uu ku egyahay dhamaad sannadkan.

Rabitaankooda ayaa daba socday shir heer wasiir ah oo ka dhacay Addis_Ababa 16kii Oktoobar, 2024, kaas oo ay ka qayb galeen madaxda difaaca dalal dhawr ah ayna isugu yeertay wasiirka gaashaandhigga Itoobiya, Aisha Mohammed.

Wasiirradu waxay sidoo kale soo qaadeen walaaca ku saabsan dhibaatooyinka dhaqaale ee ATMIS iyo AUSSOM." Waxay kaloo hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay wax ka qabashada yaraanta miisaaniyadda howlgalladan.

Wasiirrada gaashaandhigga waxay sheegeen in cashiradii laga bartay ATMIS si fiican loogu tixgeliyo howlgallada soo socda, waxayna iftiimiyeen baahida loo qabo in lagala tashado waddamada ciidamada ugu tabarucay Soomaaliya naqshadeynta howlgalka AUSSOM.

Wasiiradu waxa ay dhinaca kale ka horyimaadeen xiisadaha sii kordhaya ee Geeska Afrika iyo caqabadaha ku xeeran kala guurka ATMIS.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayanan doonayn in Itoobiya ay ka mid noqoto ciidamada Midowga Afrika ee loo dejiyay in ay beddelaan ATMIS, ka dib markii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah bishii Janaayo 2024.

Dhawaan, Soomaaliya, Masar, iyo Ereteriya waxay shir saddex geesood ah ku yeesheen Asmara, halkaas oo ay ku heshiiyeen tallaabooyin kor loogu qaadayo “awoodda ay Soomaaliya u leedahay ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.