10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2024
Hay'adda NISA oo sheegtay in howlgal ka dhacay Galgaduud lagu dilay 40 Shabaab katirsan
 

Sabti, October, 19, 2024 (HOL) - Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaysay saaxiibada caalamka, ayaa sheegtay in hawlgallo ciidan oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Alshabaab ay ka sameysay  degaano hoos yimaada  Shabeellaha Dhexe iyo  Galgaduud.

Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA, ayaa lagu sheegay, intii ay socdeen howlgalladan in lagu dilay 40 ka tirsan Al-Shabaab iyo 29 kale oo dhaawac ah.

Dadka la dilay waxaa ka mid ah sida ay sheegtay NISA, Horjooge sare oo lagu magacaabi jiray Macalin Aarow, kaasoo la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay kooxda la beegsaday.

Howlgalka oo socday in ka badan 24-saacadood, ayay hay’adda NISA ku sheegtay inuu dhabar jab xooggan ku noqday hoggaanka kooxda.

Deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ciidamada NISA oo garab ka helaya kuwa caalamiga ah hakad geliyeen dhaq dhaqaaqii Shabaab, ee isku uruursanaayay deegaankaasi.

Waxay NISA sheegtay in Shabaabkii halkaas ku sugnaa la baabi’iyay, waxayna sidoo kale sheegtay in la burburiyay sahaydii ciidan ee ay wateen.

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa shacabkeeda iyo saaxiibadeeda caalamka ayaa xoojisay howlgallada qorsheysan ee lagu burburinayo hoggaanka Al-Shabaab.