10/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 19, 2024
Dowladda Soomaaliya oo maanta la wareegtay shixnad gargaar ah oo ka timid dalka Turkiga
 

Sabti, October, 19, 2024 (HOL) - Waxaa maanta dekada weyn ee magaalada Muqdisho kusoo xirtay Markab weyn oo siday shixnad gargaar ah oo ka timid dowladda Turkiga.

Markabkaan siday shixnada gargaarka ayaa waxaa la wareegtay dowladda Fedaraalka Soomaaliya, wuxuuna siday shixnad gaareysa 3,000 oo tan oo ah gargaar ay dowladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed.

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, guddoomiyaha hay’adda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ee SODMA Maxamuud Macallin ayaa kala wareegay shixnada gar gaarka danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.

Guddoomiyaha hay'adda maareynta iyo musiibooyibka Qaranka Soomaaliya maxamuud Macalin oo ka hadlay goobta ay kula wareegayeen gargaarka ayaa ka mahadceliyay, isagoona sheegay iney gaarsiin doonaan dadka mudan.

"Gargarkaan dadka mudn ayaan gaarsiin donnaa, wuxuuna isugu jira gargaarka raashin, teendhooyin iyo agab kale, waana uga mahadcelinaynaa dowladda Turkiga garab istaagooda." Ayuu yjri guddoomiyaha SODMA Maxamuud Macalin.

Raysal wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa dhankiisa in dowladda Tukiga uga mahadceliyayo iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan, isagoo xusay in Turkiga kaalin aan la ilaawin karin uu ka qaatay Soomaaliya.

Ugu dambeyntii dowladda Turkiga waxay kamid ah dowladaha Soomaaliya sida weyn uga caawiyay dhinacyada gargaarka iyo ciidanka, waxaana xusid mudan in Turkiga yahay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya usoo gurmatay xili xaalad adag ay ka jirtay dalka sanadkii 2011-kii.