10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 17, 2024
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho
 

Khamiis, October, 17, 2024 (HOL) - Qaraxaan Ismiidaaminta ah oo si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay maqaayad ku taala gudaha xerada Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Maqaayada uu qaraxa Ismiidaaminta ah ka dhacay ayaa la sheegay iney tahay mid ay fariistaan askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Qaraxa ayaa lasoo wariyay inuu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, islamarkaana siday boorso, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu geystay qaraxa.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa gaaray goobta uu qaraxa Ismiidaaminta ka dhacay waxaana ay halkaas ka bilaabeen qaadista dadka ay waxyeelada kasoo gaartay Ismiidaaminta.

Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha uu geystay qofka naftii haligaha ah, waxaana dadka ka agdhaw xeradaas ay warbaahinta u sheegeen in wali xaaladu tahay mid aad u kacsan.

Lasoco wixii kusoo kordha warkan.